Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo ka hadlay xiisada ka taagan gobolka Gedo baaqna u diray madaxda DF

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo.

Siciid Deni ayaa sheegay in maamulkiisu ka walaacsan yahay xiisada ka taagan gobolka Gedo, waxa uuna madaxda dalka ugu sareysa ugu baaqay in ay qiimeeyaan hoosna u eegaan rabitaanka shacabka deegaanka.

“Puntland waxay walaac ka qabtaa xasilooni daro ka ka dilaacda Gobolka Gedo Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Dawlada Federalka in aysan ku kicin ficilo la mid ah kuwii iyagu dhibane u noqdeen oo loogu diiday in ay safraan”  ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa horey qadiyada gobolka Gedo xilligii Farmaajo ugu taageersanaa Axmed Madoobe, hasa ahaatee waxa uu hadda u muuqdaa mid kasoo horjeeda siyaasada Axmed Madoobe iyo madaxda Dowladda.

Gobolka Gedo waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa maamulkii hore u magacaabay madaxweyne Farmaajo iyo maamul cusub uu dhawwaan magacaabay Axmed madoobe, kuwaa oo loo diiday in ay Gedo tagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Caan ah oo hal kaluun ku iibsaday lacag ku dhaw 2-Milyan oo Dollar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

AMISOM oo shaaciyay in ay qabteen Xubno katirsan Al Shabaab oo weerar …

Cabdi Cade

Cudur dilaa ah oo ka dilaacay dalal ku yaalla Qaaradda Afrika iyo Soomaaliya oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---