Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo isku day dil ka badbaaday iyo Jirdil loo geestay

Xildhibaan katirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in uu ka bad baaday isku day dil uu sheegay in ay la damacsanaayeen ciidamo hubeesan oo soo weeraray.

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in rag hubaysan ku weerareen hoygiisa oo ku yaala Magaaladaa  Garowe , xilli uu ka soo laababtay hotel kuyaalla magaalada Garawe.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ciidamada weeraray ay taageersan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda in la qabto doorashada golayaasha deegaanka degmooyin katirsan gobolka Nugaal.

” Waxaan ka imid hoteel Martisoor kadibna waxaa iga soo raacay labo baabuur markii aan usoo leexday xaafadayda gurigayga hortiisa marayey waxaa la igu horgooyey baabuur weyn oo daaqadu u furan yahay, waxaana kasoo degay shan nin oo wajigu u xiran yihiin qoryana wata, shantaa nin waxaa daba taagna gaari kale oo gaarigayga lagu dabo gooyey oo afar nin oo kale saarnaayeen, waxaa la igu bilaabay xabad waxaa la damcay in gaariga xoog la igaga soo saaro, afar nin baa gaariga daaqadaha furtay, ninkii daaqadayda furay baan qoriga ku qabsaday markii aan ku qabsadayna nabarka dhaawaca ah baa isoo gaaray, ninkii kale oo i dhinac taagnaa baa qorigiisa wuxuu igala dhacay wajiga, nimankaasi waxay lahaayeen ma adiga dastuur furi kara oo isku dayi kara berri inaa dastuur furtid”. ayuu yiri; Xildhibaan Dhaashane.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidanka hubeesan ay dil ugu hanjabeen isaga iyo lix xildhibaan oo kale oo katirsan baarlamaanka Puntland, waxa uuna sheegay ragga weeraray kasoo horjeedaan dimuquraadiyada Puntland.

Maamulka Puntland gaar ahaan laamaha amniga ayaan wali ka hadlin weerarkan uu sheegay in xildhibaanka lagu soo qaaday iyo jirdilka loo geestay, sidoo kale arrintan kama hadlin kooxda mucaaradka ee lagu eedeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Go’aan laga gaaray kiiskii u dhaxeeyay Dowlada Jabuuti iyo DP World

Cabdi Cade

Beesha caalamka oo dhowr qodob uga digtay madaxda ku Shirsan Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Deni oo fagaare ku yaalla Garowe kula tukaday boqolaal shacab ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---