Galinkii dambe ee maanta dagaal culus oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool sida ay sheegayaan wararkan halkaas naga soo gaaraya.
Dagaalka ayaa lagu soo waramaya inuu u dhaxeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa milateriga dowladda Soomaaliya oo halkaas ku wada sugan
Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid aad xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo khasaare xoogan uu ka soo kala gaaray labada ciidan ee diriray, welina ma cadda waxa dagaalkan uu salka ku hayo.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya dagaalka ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo rasaasta labada dhinac u dhaxeysay ay haleeshay.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo ku aadan khasaaraha dagaalka iyo waxa sababay.
Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xili maalin ka hor dagaal noocan oo kale ah uu ku dhexmaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo geystay khasaare kala duwan.