Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin Soomaali ah oo sabab yaab leh loogu xiray Magaalo ku taalla dalka Jarmalka

Nin Soomaali ah oo 27 sano jir ah ayaa lagu xiray magaalada Halberstadt ee gobolka Sachsen-Anhalt ee dalka jarmalka ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku kacay fal yaab leh oo anshax xumo ah

Ninkan oo aan magaciisa lan shaacin ayaa waxaa lagu haystaa inuu sanadkii 2021 cawradiisa (xubibintiisa taranka) si bareer ah u tusay qof uusan fasax ka haysan ama raali ka ahayn, sanadkaas ayaa lagu xukumay inuu ganaax ahaan 450 Yuuro bixiyo, ama xabsi 90 maalmood ah galo haddii uusan lacagtaasi bixin karin.

Ninkan ayaa ka baaqsaday inuu labadaas arrimood midkood sameeyo, waxaana raadinayey Booliska iyadoo kambiyuutarka uu xukunkiisa ku jiray, ugu dambeyna hadda ayaa la soo qabtay, xabsiga ayaana loo taxaabay.

Dalka Jarmalka ayaa waxaa ka mamnuuc ah inaad cawradaada qof aanan raali ka ahayn iska tusto, hadii aad falkaas ku kacdo oo ay ku cadaatana waa xabsi 3 bilood ah ama ganaax lacageed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo ganaax ku soo rogay dadka aan qaadanin Af-xirka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan fatahaadda wabiga shabelle

Cabdi Cade

Maxaa ka dhalan kara go’aanada aan laga fiirsan ee Wasiirka amniga Somalia?

admin
Taboola Ads ---