Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay saraakiil uu ugu horeeyo Taliyaha howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley oo booqasho ku jooga degaanada Jubbaland.
Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa saraakiil ka socotay howlgalka AFRICOM, ATMIS, sarakiisha hey’adaha amniga ee Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka.
Waxaa shir guddoomiyey kulankaas Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo diiradda lagu saaray xaalada guud ee amniga degaanada Jubbaland iyo qorshaha bilaabidda wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoraynayo Al-shabaab sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.
Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga boqolaal askari oo dhinaca tababarada, saadka iyo gurmadka duqeymaha ka caawiya ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.
Mareykanka oo la dhacay howlgalada bilihii u dambeeyey Al-shabaab looga qabsaday degaano badan oo ku yaalla bartamaha Somalia ayaa si weyn u taageeraya bilaabida wejiga labaad ee howlgalkaas oo la filayo inuu ka bilowdo dalka dhowaan.