Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Meydadka tahriibayaal laga helay xeebaha Giriiga & qaar la soo badbaadiyey

Doon kalluumaysi oo ay la socdeen dad tahriibayaal ah ayaa ku degtay xeebaha dalka Giriiga sida ay masuuliyiintu sheegeen, waxaana ku dhintay ugu yaraan 78 qof, tiro badan oo kale ayaa lala’yahay mid ka mid ah masiibooyinka noocaan ah ee ugu xumaa sanadkan.

Ilaalada xeebaha, ciidamada badda iyo maraakiibta ganacsiga ayaa u soo baxay hawlgal ballaaran oo baadi goob iyo samatabbixin ah, iyagoo adeegsanaya diyaarado iyo helikobtaro ah iyo Doonyo.

Maamulka ayaa sheegay in 104 qof la soo badbaadiyay ilaa hadda ka dib markii ay doontu ku degtay habeen hore biyaha caalamiga ah oo qiyaastii 75 kilomitir (45 mayl) koonfur galbeed ka xigta jasiirada Peloponnese ee koonfurta Giriiga. Meeshu waxay ku dhowdahay mid ka mid ah meelaha ugu mool dheer ee badda Mediterranean-ka.

Ma cadda tirada rakaabka ah ee weli ku jira biyaha ama ku xayiran doonta degtay, laakiin qaar ka mid ah warbixinnada bilowga ah ayaa sheegaya in laga yaabo in boqolaal qof ay saarnaayeen.

Afar ka ka mid ah dadka badbaaday ayaa cusbitaalka la dhigay iyagoo leh calaamadaha hypothermia. Dekadda koonfurta Kalamata, tobanaan kale ayaa la geeyey goobo gabaad ah oo ay diyaariyeen adeegyada ambalaasta iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga si ay u helaan dhar qallalan iyo daryeel caafimaad.

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sheegay in 78 meyd ah la helay ilaa hadda.

Doonidan oo ku sii jeeday dalka Talyaaniga ayaa la rumeysan yahay inay ka soo shiraacday deegaanka Tobruk ee bariga Liibiya.

Dalkaasi waxa uu galay fowdo ka dib kacdoonkii NATO ee lagu riday laguna dilay madaxweynihii mudada dheer ka talinayey ee Moammar Gaddafi sanadkii 2011. Mukhalasiinta dadka tahriibiya ayaa ka faa’iideystey xasillooni darrada soo socota, waxayna Liibiya ka dhigeen mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay ka baxaan dadka isku dayaya inay Yurub ku gaaraan doonyaha tahriibinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad ka tirsan Yurub oo shaacisey inuu sharci siinayo Qaxooti ka badan Nus Milyan

Caydiid Ali

Dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaadka Fano iyo Ciidamada Itoobiya oo qarxay

Cabdi Cade

Erdogan oo si adag u difaacay Heshiiska muranka dhaliyay ee dhinaca Badda ay la galeen Dowlada ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---