Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Tiina Intelmann iyo Wafdi la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aqalka madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, dimuqraaddiyeynta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo mashaariicda midowga Yurub ay ka wadaan deegaannada Dowladda Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa uga mahad-celiyay midowga Yurub mashaariicda horumarineed uu halkaasi ka wado , waxa uuna ka codsaday kordhinta mashaariicda ee Galmudug ka wadaan.

Related posts

Nin qarax ka geysan rabay Muqdisho oo la toogtay & qof rayid ah oo la dilay

Caydiid Ali

Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo Muqdisho lagu xiray

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Howlgal Cir iyo dhul ah oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Cabdi Cade
Taboola Ads ---