Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Ugaasyada Soomaaliyeed oo la sheegay in uu dil ka badbaaday R/W Xamse oo…

Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane Jiis oo katirsan xildhibaannada golaha Shacabka baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in isku day dil uu ka bad baaday Ugaas Mohamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.

Kulane Jiis ayaa sheegay in shirqoolkan uu ka bad baaday Ugaaska uu maleegay maamulka Axmed Madoobe, waxa uuna sheegay xildhibaanka haddii wax dhibaato ah gaaraan Ugaaska uu masuuliyadiisa uu qaadayo Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

”Waxaan bulshada Soomaaliyeed u cadaynayaa in Ugaas Maxamed uu dirqi kaga badbaaday shirqool iyo dhagar la doonayey in lagu khaarajiyo. Dhagartaas oo uu soo maleegay Ahmed Madoobe. Laga bilaabo saacadaas, weerarkaas iyo masuuliyadiisa iyo weliba xariiq iyo xagtin kasta oo soo gaadha Ugaas Mohamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, waxa qaadi doona Raisal Wasaare Xamse Cabdi Bare, maadaama isagu yahay madaxa ugu sarreeya ee Xukuumada Federalka Soomaaliya, uuna hormuud ka yahay xasaradda ka taagan Gobalka Gedo, Jubbaland-na uu horay ceel ugu riday” ayuu yir Xildhibaan Kulane.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay madaxtooyada Soomaaliya in aysan Axmed Madoobe ku taageerin xaaladaha uu ka abuurayo Gedo, waxa uu sidoo kale xildhibaanka ugu baaqay shacabka Gedo in ay ilaashadaan Ugaaskiisa.

”Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa Villa Soomaaliya in aanay Ahmed Madoobe ku kaalmayn xaaladan xun oo keeni doonta cawaaqib kasii xun. shacabka iyo dadweynaha reer Gedo waxaan leeyahay; ilaaliya ugaaskiina, ilaashada sharafkiina oo ha ogolaanina in cirdigiina iyo cimaamadiina lagu xad gudbo” ayuu yiri Xildhibaanka.

Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli uu taagan yahay khilaaf xooggan oo ka dhashay maamul cusub uu gobolka Gedo u magacaabay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana maamulkaasi diidan siyaasiyiinta Gedo jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqtarkii ugu horeeyey Somalia oo Xaflad Maamuus ah loogu sameeyey Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Joe Biden oo go’aan adag qaatay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Dalka uu kasoo jeedo Ajnabi fuliyay weerar Ismiidaamin ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---