Dowladda Mareykanka ayaa lacag malaayiin dollar ah waxa ay dul dhigtay nin ay sheegeen in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab, ninkan ayaana ah Injineer ku taqasusay si weyna u yaqaan sameynta qaraxyada .
Qoraal kasoo baxay dowladda Mareykanka ayey ku ballan-qaadeen in lacag dhan shan milyan oo dollar siinayaan ciddii keenta xog lagu dili karo ama lagu qaban karo Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo Al Shabaab u qaabilsan sameynta qaraxyada.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ninkan kamid yahay lataliyaasha sar sare ee Amiirka Al Shabaab, waxa ay sidoo kale sheegeen in ninkan yahay madaxa warbaahinta u qaabilsan Al Shabaab.
Xubno badan oo katirsan Al Shabaab ayaa horey Mareykanka madaxooda u dul dhigeen malaayiin dollar oo lacag ah , kuwaa oo qaarkood la dilay halka kuwa kalana wali Mareykanka ay raadinayaan.