Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo si Layaab leh uga hadashay Diyaaradii loo diiday in ay ku degto Garbahaarey

Waxaa shalay garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo loo diiday in ay ka degto diyaarad ay la socdeen xubno katirsan maamulka cusub uu gobolka Gedo u magacaabay Axmed Madoobe.

Diyaarada ayaa hawada Garbahaarey kasoo laabatay kaddib markii lagu war-galiyay in aysan soo degi karin, waxaana ammarka diidmada ah bixiyay saraakiil kasoo horjeeda maamulka Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Seyd Aadan ayaa sheegay in diyaaradii ku jeeday Garbahaarey ay degi weysay, kaddib markii ay weysay gacankii laga hagi lahaa sida uu tilmaamay.

Waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan sababta keentay in la waayo xiriirkii garoonka , isagoona xusay in ay suurto gal tahay in gacanka la damiyay ama dab la’aan uu u damay.

“Maanta diyaaraddii baxday gacankii laga hagayay ayaa la damiyay ama ka damay oo batari la’aan ayaa ku dhacday, marka diyaaraddii marka ay weysay xiriir garoonka ah ayay dib u noqotay” ayuu Maxamuud Sayid.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa ugu baaqay siyaasuyiinta Gedo in ay taageeraan maamulka cusub ayna joojiyaan isbaarada ay maamulka u dhiganayaan, waxa uuna xusay haddii maamulka cusub xilka ka dhammaado la qabanayo doorasho ay siyaasiyiintan kasoo qeyb gali karaan.

Maamulka hadda heesta Gedo uu horey u sameeyay madaxweynihii hore Farmaajo ayaa si weyn uga soo horjeeda in gobolka Gedo yimaadaan maamulka cusub uu Axmed Madoobe magacaabay kana shaqeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Muxuu sharciga cusub ee doorashooyinka ka qabaa xili kordhinta Madaxweynaha?

Caydiid Ali

Weerar Bambaano oo caawa lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha degmada Dayniile

Cabdi Cade

Nabadoon la shaqeyn jiray kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---