Allbanaadir.com
NEWS

Xukun adag oo lagu riday haweeney lagu helay in ay kufsatay Wiil 8-sanno jir ah

Maxkamad kutaalla degmada Iringa ee dalka Tanzaaniya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday haweeney lagu helay in kufsi arxan darro ah u geesatay wiil yar oo 8-sanno jir ah.

Desderia Mbwelwa oo ah 57-sanno jir ah ayaa maxkamadda ku heshay in ay geed hoostiisa ku kufsatay wiilka yar ee 8-sanno jir ah, waxaana baaritaano la sameeyay ku cadaaday haweeneydan kufsiga ay geesatay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, Said Mkasiwa, ayaa shan markhaatiyaal ah oo uu ku jiro dhakhtar baaray ilmahan u xaqiijiyey in ilmaha yar uu nabarro ka soo gaaray kufsiga, isla markaana uu ku dhacay xanuunnada galmada lagu kala qaado.

Maxkamadda ayaana 29-sanno oo xabsi ah ku riday haweeneyda kufsiga u geesatay wiilka yar ee 8-sanno jirka ah, waxaana haweeneydan kufsiga geesatay maxkamadda sheegtay in ay racfaan ka qaadan karto xukunka.

Desderia ayaa sheegtay in ay tahay qof weyn oo ay leedahay carruur iyo kuwo ay ayeeyo u tahay oo iyada ku tiirsan, waxa ayna ka naxday xukunka xabsiga dheer ee maxkamadda ku riday.

Kiiskan kufsiga ah ay geesatay haweeneydan ayaana hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Tanzaaniya ,waxa ayna dadka qaar layaab ku tilmaameen in hooyo weyn ay fal kufsi ah kula kacdo wiil aan qaan gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka xoogga oo soo bandhigay hub ay ka qabsadeen Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay shirkad ku guleysatay Qandaraas xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo si adag uga hadlay wax ka bedelka Dastuurka ay Farmaajo iyo Shariif…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---