Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin gacan ku dhiigle ah & Xashiish fara badan oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Howlgal ay iska kaashadeen saldhigyada Warta Nabadda iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay nin ku eedaysan dil ka dhacay degmada C/Casiis 9/2/2023.

“Marxuumka dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamad Axmad Bisle oo ahaa qof shacab ah. Eedaysanaha ayaa cadaaladda la waafajin doonaa asaga iyo eedaysane kale oo isla liiska loo soo qabtay” ayaa lagu yiri qoraak ka soo baxay Booliska

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay iney soo qabteen Maandooriye fara badan oo ah kuwa loo yaqaano Xashiishka.

“Taariikhdu markay aheyd 12/6/2023 abaaro 6:45pm ciidanka Boliiska qeybta guud gaar ahaan qeybta galbeed howlgal ay fulinayeen ayaa waxa ay gacan kusoo dhigeen 50 kilo oo xashiish ah” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Booliska oo aan dhinaca kale lagu xusin in la soo qabtay iyo in kale raggii ka ganacsanayey xashiishkaas.

Sido kale, Booliska ayaa sheegay iney degmada Waaberi ka soo qabteen nin dhalinyaro ah oo ka ganacsanayey dhowr kg oo xashiish ah.

“13/06/2023 abaaro 20:00pm Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan saldhigga boliiska degmada Waaberi ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan idiin muuqda, kaasoo ku eedeysan inuu si qarsoodi ah u gadaayay xashiish” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Eedeysanayaasha la soo qabtay waxaana la waafajin doonaa sharciga hadduu alle idmo” ayaa lagu soo gebagebeeyey warka ka soo baxay ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin mindi ku hubeysan oo dhimasho & dhaawac ka geystay London (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaali muddo labo bilood ah lagu weysanaa dalka Canada oo Meydkiisa la helay

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo hal arrin uga Mahad celisay Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---