Allbanaadir.com
NEWS

Dhinacyada isku haya Gedo oo ka hadlay dayuurad laga soo celiyey Garbahaarey

Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxa maanta laga hor istaagay inay ka dagto diyaarad siday wafdi uu hogaaminayay gudoomiyihii dhawaan Madaxweynaha Jubaland u soo magacaabay gobolka.

Booqashada Guddoomiyaha waxaa ka hor yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta degaanka ee ka horjeeda hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dayuuradda oo gashay hawada magaalada Garbahaarey ayaa dhawr jeer isku dayday inay cagadhigato balse sababo amni darteed ayay dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka duushay.

Dhinacyada isku haya maamulka gobolka Gedo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay talaabadan lagu horjoogsaday dayuuradii uu la socday masuulka uu magacaabay Axmed Madoobe.

Gudoomiye ku-xigeenka cusub ee amniga iyo Siyaasadda gobolka Gedo ee uu dhawaan  Magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Cismaan Nuur Xaaji Macalmimu oo Garbahaarey ayaa sheegay in sababo farsamo dartood ay diyaaradu dib ugu laabatay Muqdisho.

“Saaka waxaan sugeynay Gudoomiyaha oo shacabku ay u soo bexeen soo dhoweyntiisa, hase ahaatee cillad ayaa timid oo farsamo xumo awgeed diyaraaddii cid hagta marka ay weyday wey laabatay” ayuu yiri Macalimu,

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa beeniyey in diyaaradda la xabadeeyay sidaasina ay u laabatay. “Anaga ayaa garoonka joognay waxaa ku sugan ciidamo amaanka sugayey, wey jireen kuwo aan badneyn oo qalalaase waday laakiin gooni ayaa loo qabtay cillad ayay ahayd in diyaaradda aan la hagin sabab kalana ma jirin” ayuu yiri.

Dhinaca kale Gudoomiye Kuxigeenka amniga ee degmada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud oo ka mid ah siyaasiyiinta diidan xubnaha Kismaayo laga soo magacaabay ayaa sheegay inay iyagu hor istaageen diyaaradu inay soo caga dhigato magaalada, waxa uuna intaa ku daray inaanay oggolaan doonin in diyaaradaasi dib ugu soo laabato Garbahaarey

“Warbixinteeda horay ayaan u heynay amarka diyaaradda lagu celiyayna annaga ayaa bixinay, ma jirto wax farsamo xumo ah oo dhacday” ayuu yiri Aadan Siraad Maxamuud.

Dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay waxay ku fashilantay iney xaliso khilaafka ka taagan maamulka gobolka Gedo oo abuuray Maamulkii ka horeeyey ee uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Marwada Koowaad ee Dalka oo olole loo baahan yahay kawada Mareykanka

Cabdi Cade

Duulimaadyadii Somalia ee ay xayirtay Kenya oo xeelad cusub loo helay & Farmaajo oo..

Caydiid Ali

Ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo oo mooshin laga keenay & Xildhibaano la xirxiray

admin
Taboola Ads ---