Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydad laga helay jid ku yaalla Nottingham iyo nin 31 jir ah oo loo xiray (Sawirro)

Booliska Britain ayaa sheegay in nin 31 jir ah loo xiray tuhun dilal ah ka dib markii saddex qof meydkooda laga helay waddo ku taalla bartamaha magaalada Nottingham, saddex qofna waa la dhaawacay ka dib markii baabuur la jiirsiiyey.

Dambi baarayaashu waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in saraakiisha la-dagaalanka argagixisadu ay ku hawlan yihiin baaritaanka, inkastoo ay sheegeen in tani ay tahay mid caadi ah.

Nin ayaa loo xiray tuhunka dilka ah, waxaana dambi baarayaasha ay sheegeen in aysan cid kale raadin.

Hawlgalka weyn oo horseeday in la xiro waddooyin badan oo ku yaalla magaalada Nottingham, ayaa billowday kaddib markii booliiska loogu yeeray warbixin ku saabsan in laba qof lagu dilay waddo ku taalla bartamaha magaalada.

Saraakiisha ayaa intaas kadib lagu wargeliyay dhacdo kale oo meel aan ka fogeyn ka dhacday oo qof watay gaari uu isku dayay inuu jiirsiiyo saddex qof, iyadoo hal nin uu xaalad halis ah ku jiro isbitaalka, halka labada kalena ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Wax yar ka dib nin kale ayaa meydkiisa laga helay waddo labo mayl u jirta dhacdadii hore.

“Waxaan ku jirnaa marxaladii ugu horeysay ee baaritaanka waxaana u baahannahay inaan ogaano ujeedooyinka ka dambeeya weerarradan, waxaana dib u soo sheegi doonaa dadweynaha marka ugu dhakhsaha badan ee aan awoodno inaan sheegno wax badan.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska.

Goobjooge Lynn Haggitt ayaa sheegtay inay aragtay gaari yar oo ku dhacay nin iyo naag laga soo tagay iyagoo waddada jiifa.

“Si toos ah ayuu u galay labadan qof, naagtii baa fuushay, ninku wuxuu u kacay hawada,” ayay tiri.

Wadada Ilkeston, oo ah halka labada qof ee meydkooda laga helay, ayaa waxaa daadsan qalab caafimaad oo baaritaanada loo adeegsanayo.

“Waa layla socodsiinayaa wixii soo kordha. Booliiska waa in la siiyaa waqti ay ku qabsadaan shaqadooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak ayaa qoraal kooban soo dhigay barta  Twitter, isagoo ku tilmaamay dhacdada arrin naxdin leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo duqeysay xarunta QM ee Koonfurta Lubnaan

Caydiid Ali

Maxaa ka soo kordhay doorashada Jubbaland? (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn ugu Mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---