Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxda itoobiya & Eritreya oo 20 sano ka dib furay xadka labada dal (Daawo Sawirro)

Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furay xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee labada dal oo la xiray labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen dalalakan dariska ah.

Arrintan ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.

Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa dabo socota heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Dib u furitaanka waddadan ayaa ku soo aaday maalin ku haboon iyadoo labada dalba ay maanta (Talaado) u dabaal dagayaan sannadka cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

PSF” Garoonka diyaaradaha Boosaaso cid gaar ah uma xirnaan doono ”

Cabdi Cade

Ciyaartoy si dirqi ah uga bad baaday Weerarkii lagu qaaday Masjidka Al Nuur

Cabdi Cade

Amar lagu joojiyey dhismihii ka socday garoonka Stadium Muqdisho & Al-shabaab oo..

admin
Taboola Ads ---