Wadamada Qaar ayaa waxey leeyihiin maxkamada dastuurka oo si gooniya uga baxsan maxkamadaha caadiga ah ee uu dalku leeyahay, waxaana sidaas si ka duwan ay ka jirtaa wadamo kale oo awooda maxkamadda dastuurka u ergeeyey maxkamadda sare oo waajibaadkeedii lagu kordhiyey xilka maxkamadda dastuurka, taas oo meesha ka saareysa culaabta ay leedahay dhismaha maxkamad cusub oo si gooniya loogu dhiso maxkamadda ilaalisa dastuurka.
Soomaaliya waxaa ku haboon iney sameyso sida ay sameeyeen wadamo badan oo awooda maxkamadda dastuurka u ergeeyey maxkamadda sare, maxaa yeeleelay dhismaha maxkamad cusub waxey dhameystirkeedu qaadaneysaa wakhti, waxeyna in sidaas la sameeyo ay u baahan tahay hanti badan oo lagu suurtogeliyo sharciyeynteeda iyo habsami u shaqeynteeda, taas bedelkeeda ayaa waxey tahay in la sameeyo in sharciyada u gaarka ah maxkamadda dastuurka lagu wareejoa maxkamada sare oo horay dalka uga dhisan, waxaana mudan in la fahmo in waxa ugu weyn ee laga fogaanayo ay tahay in garyaqaanada maxkamadda dastuurka ay soo doortaan baarlamaanka oo la og yahay in marka ay timaado in hal qof oo ka mida la magacaabayo ay ka dhalato ismaandhaaf dhaliya jahwareer qaata wakhti dheer, meesha taas bedelkeeda ay tahay wax aad u sahlan in madaxweynaha uu soo magacaabo, baarlamaankuna ansixiyo.
Marka maxkamadda sare lagu soo kordhiyo xilka maxkamadda dastuurka ayey taas waxey ka dhigeysaa lagama maarmaan in tiro badan oo garyaqaano ah lagu kordhiyo kuwii horay uga shaqeynayey maxkamadda sare, waxaana qiyaas ahaan culaabta dacwooyinka maxkamadda dul saran ka qaadi kara marka la kordhiyo tirada garyaqaano ka hawlgelaya maxkamadda oo qiyas ahaan dhan 25 xubnood, sidaasna waxey ku haboon tahay dal ay dowladiisu ka soo kabaneyso burbur sharci oo u baahan in shaqo badan laga qabto sidii xal loogu heli lahaa dacwooyinka faraha badan ee ku soo qulqulaya maxkamadaha oo inta badan ay ku soo dhamaanayaan maxkamadda sare, kuwaas oo ay suurtogal tahay iney ka badan tahay 10 kun oo gal dacwadeedyo iney qabtaan sanadkiiba.
Maxkamadda sare oo leh awooda maxkamadda dastuurka ayaa waxaa garyaqaanadeeda soo dooranaya madaxweynaha markaas xilka haya, waxaana codka kalsoonida ku ogolaanaya baarlamaanka, waxeyna garyaqaanadaas xilka haynayaan inta ay ka dhimanayaan ama ay hawlgab ka noqonayaan ama xilka iska casilayaan ama ay xilka ka xayuubinayaan baarlamaanka, hadiise ay dhacdo in uu dalku yeesho maxkamadda dastuurka oo iskeed gooni ugu taagan ayaa waxaa awooda soo magacaabida garyaqaanada maxkamadda dastuurka inta badan yeelanaya baarlamaanka, in yarna waxaa magacaabidooda kala yeelanaya madaxweynaha iyo maxkamadda sare.
Garyaqaanada loogu talogalay iney ka hawlgalaan xil gudashada maxkamadda dastuurka waxaa intooda badan laga soo qaataa macalimiinta qaanuunka ka dhiga jaamaacadaha ama qareeno 10 sano ka badan adeegsiga sharciga ku shaqeynayey ama garyaqaano waayoaraga oo maxkamadaha caadiga ah mudo dheer ka soo shaqeynayey, waxeyna garyaqaanadaas loo soo xushay maxkamadda dastuurka ay iska soo dhex doortaan gudoomiyahooda oo si qarsoodiya ay ugu dooranayaan tiro hal cod dheeriya, kadibna gudoomiyaha ayaa soo xusha ku xigeenadiisa oo xilk gudoomiyaha qabanaya marka ay timaado maqnaashihiisa sabab kasta ha ku timaadee.
Maxkamadda sare marka la siiyo awooda maxkamadda dastuurka ayey waxey mashquul badan ku geleysaa muranka ka jira fasiraadda dastuurka, ka saaridda sharciyada dalka kuwa ka horimanaya dastuurka, kala saaridda awoodaha dowladda, xalinta khilaafyada sharciyadeed ee u dhaxeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyo kuwa u dhexeya maamul goboleedyada, qaadida eedaha lagu soo oogo madaxda sare, diidmada sharciyada maamul gobolada oo ka horimanaya dastuurka, ilaalinta sharciyada dalka u degsen iyo dhowrista xuquuqha iyo xoriyadaha dastuurku uu dadka siiyey, qaadista dacwooyinka safiiradda iyo muranada siyaasadeed, iyo burinta dikareetooyinka uu soo saaro madaxweynaha oo aan raacsaneyn dastuurka.
Madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Mohamud iyo ku xigeenkiisa Mudane Raisulwasaare Xamze Abdi Barre waxaa looga baahan yahay iney dimoqaradiyeeyaan dalka, dadka, dowladda, iyo dastuurka, waxeyna dadaaladaas suurta gelintoodu ay u baahan yihiin dastuur ilaaliya ku dhaqankooda, dastuurkuna wuxuu u baahan yahay maxkamadda dastuurka oo difaac gaashaana u noqota meelmarinta dhowristiisa dhabta ah iyo tafsiirkiisa saxda ah, waxeyna sida xaqiiqdu tilmaameyso oo ah sida saxda ay tahay in curinteeda loo maro mariinka ugu dhow oo ah midka lagu heli karo aasaasida maxkamadda dastuurka inuu yahay in awoodeeda la siiyo maxkamada sare oo horay dalka ugu dhisan, taas oo u baahan oo keliya in dib u habeyn lagu sameeyo awoodaha ay leedahay maxkamadda sare.
Maxkamadda sare oo loo igmado iney yeelato awoodda maxkamadda dastuurka waxey meesha si deg deg ah uga saareysaa isqabqabsiga u dhexeeya madaxda sare ee dowladda dhexe, ismaandhaafka u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, xasaradaha siyaasadeed ee la xiriira mucaaradka iyo muxaafadka, khilaafyada awoodeed ee u dhexeeya maamul goboleedyada, iyo mooshinada wakhti dhumiska ah oo laga keeno madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, waxeyna dadweynuhu ka helayaan difaac joogto ah oo mar kasta u taagan ilaalinta xuquuqahooda iyo xoriyadahooda, waxeyna tahay in dhismaha maxkamadda dastuurka uu wanaaga curinteeda uu ku jiro in adeegeeda laga wareejiyo maxkamadda sare oo garyaqaanadeeda ay soo magacaabayaan madaxda sare ee dowladda dhexe.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com