Waxaa sii kordhaaya nadaafad xumo baahsan oo ka taagan Qaar ka mid ah Wadooyin iyo suuqyo ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaasoo eersaday dayac ka jira maamulka Gobolka Banaadir.
Jidadka ugu badan ee magaalada iyo goobaha lagu ganacsado sida Suuqa Bakaaraha iyo suuqyo kale ayaa waxaa Saldhig u noqday biyo cagaartay oo ka dhashay qashinka iyo biyaha wasaqeysan ee ay Maqaayadaha soo qubaan iyo qaar ka dhashay roobab beri hore da’ay
Biyaha iyo Qashinka ugu daran ayaa iminka buux dhaafiyay Suuqa Bakaaraha oo hoostaga Degmada Howlwadaag gaar ahaan Wadada Masjidka Xareed ee Aada isgoyska Baar Ubax taasoo Nadaafad darada ka muuqata ay sababtay in gebi ahaan aan la isticmaalin wadadaas.
Jidka aan kor kusoo xusnay ayaa fadhiisi u noqday biyo cagaartay oo midabkooda isbedelay, waxayna waddaasi noqotay mid lagu soo guro qashin badan oo ay ku shubaan dad wax ma garato ah. iyadoo wadada Xareed ay muhiim u tahay Isku socodka dadka iyo Gaadiidka, waxayna isku xirtaa waddooyin badan oo halbowle ah.
Qashinka iyo Biyaha fadhiya waddooyinka Gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah mas’uuliyad darada maamulka Gobolka Banaadir oo iyagu qaada dhaqaalaha ugu badan ee ku jira gacanta shacabka, haddana aysan jirin talaabooyin muuqda oo laga qabtay bilicda caasimada.
Waxaa sidoo kale xusid mudan iney jiraan waddooyin ka badan 13 oo ay jareen wasaq iyo biyo sababay cuduro kala duwan, iyadoo wadooyinkaas ay ku jiraan kuwo laami la saaray sanadihii dhowaa balse dhawaa balse dib u burburay sanadihii dhowaa sababo la xiriira dayactir la’aan.
Sidoo kale, waxaa jajaban waddooyin aad u farabadan oo ay shacabku ku bixiyaan lacago canshuur ah. qaar ka mid ah shacabka ayaa sheegay in wadooyinkaas horay loogu sameeyay dayactir, isla markaana la saaray laami Balse nasiib daro ay waayeen maamul daryeela, halka maamulka hadda jira uusan iska xil saarin mas’uuliyada ka saaran nadaafada.
Waaxda nadaafada ee gobolka Banaadir ayaa kaliya xil iska saarta nadaafada iyo bilicda wadooyin dhowr ah oo ay isticmaalaan madaxda sare ee DF sida wadada Maka Al Mukarama, Wadada marta dekeda illaa Dugsiga sare ee Booliska, mida garoonka dayuuradaha iyo qaar kale, halka ay dayacan yihiin jidadka ay isticmaalaan shacabka maalin walba laga gurto canshuurta.
Maamulada degmooyinka gobolka ayaan iska xilsaarin ilaalinta Nadaafadda Wadooyinka dib u dayactirka lagu sameeyay, iyagoo taa bedelkeeda ku mashquulsan raadinta dadka guryaha ka dhisanaya xaafadaha si ay uga qaataan lacago canshuur lagu sheegay oo aan shacabka adeegyo macno leh loogu qaban.
Shacabka magaalada ayaa haatan ka walaacsan sida xaalka magaalada noqon doono marka ay bilowdaan roobabkii xiliga xagaaga oo la filayo iney todobaadyada socda ka curtaan magaalooyinka dhaca xeebaha badweynta India oo ay ku jirto caasimada Mudqisho.