Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweyne Laftagareen oo qaabilaada ay ku wehlinayeen Wasiiro, La-Taliyaal iyo Agaasimaha Madaxtooyada ayaa Ergeyga Cusub Qaramada Midoobay kala hadlay Arimo ay kamid ahayeen Taagerida Wajiga 2-aad Dagaalka, Xoojinta Hirgelinta Mashariicda Hormarineed iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha kusoo noq-noqday Deeganada Koonfur Galbeed.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu mahadcelisay Madaxweyne Laftagareen iyo Gollaha Wasiirada soo dhoweynta ay usameeyeen waxaan ay Tilmaantay Socdaalkeeda inuu ku qotomo Isbarasho iyo sidii loo Dardargelin lahaa Howlaha Shaqo ee Qaramada Midoobay ay ka wado Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Related posts

Midowga Yurub oo cunaqabateyn saaraya Wasiirro katirsan Isra’il

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Mahdi Guuleed oo bilaabay qorshe fashilin kara shirka Afisiyooni  !

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxdeed ka dhacaya dalka Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---