Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Baraawe iyo khasaaro badan oo ka dhashay

Waxaa shalay galab ilaa xalay magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ka socday dagaal xooggan oo dhiig badan ku daatay, dagaalka ayaana u dhaxeeyay ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa milatariga DF.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo so kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo qaar kamid ah shacabka magaalada ku noolaa.

Ku dhawaad 10-qof ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ka dhacay magaalada Baraawe in ay ku dhinteen ,halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen, dadka dagaalka ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badan yihiin dhinacyadii dagaalamay.

Xaalada magaalada Baraawe ayaa saakay lagu soo waramayaa in ay degan tahay, waxaana wali magaalada laga dareemayaa xiisad daba socota dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay.

Maamulka magaalada Baraawe, saraakiil iyo odayaal ayaa ku baxay dagaalka magaalada ka dhacay, waxa ayna dhinacyadan ka shaqeeyeen in xabbad joojin KMG ah la gaaro lagana wada hadlo dagaalkii dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka shalay ka dhacay magaalada Baraawe ayaa sababay dil askari katirsan ciidanka milatariga loogu geestay magaalada Baraawe, waxaana dilkaasi uu keenay in dagaal ka qarxo Baraawe ayna ku dhintaan dad kale oo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo la wadaagay Catriona Laing Go’aankii ay ka gaareen DFS (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Dib u dhis lagu sameenayo Wadada Via Roma oo la dhagax dhigay

Cabdi Cade

Somaliland oo si adag uga hortimid taageerada Milatari ee Masar siineyso DFS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---