Allbanaadir.com
NEWS

Dil loo geestay Cabduqaadir Jawaari iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkaasi

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in kooxo hubeesan oon heebtooda la garan xalay degmadaasi ku dileen nin dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Dabley hubeesan ayaana la sheegay in xaafada Dhagax-tuur ku dileen  Cabdiqaadir Cabdi Cismaan  (Jawaari ), ragii dilka geestay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsaday sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Ciidamada booliiska iyo nabad sugida ee ka howlgala degmada Afgooye ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, lamana soo sheegin cid ay ciidamada ammaanka usoo qabteen falkan dilka ah ee ka dhacay Afgooye.

Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geesto dad shacab ah iyo dad u shaqeeya maamulka, waxaana inta badan baxsada oon la arag ragga dilalkaasi qorsheesan fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa o lagu soo dhoweeyey Abu Dhabi (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Ruushka oo Golaha Ammaanka ku tilmaantay Munaafaqiin labo Wajiile ah

Cabdi Cade

Guddiga doorashada Heer Federaal oo maanta Guddomiye dooranaya iyo olole socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---