Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynihii hore ee DDSI oo jirdil xoog leh loogu geystay Xabsi ku yaalla Addis ababa

Hooyo Deeb Mahad Colow oo ah hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegtay in wiilkeeda lagu jir dilay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Waxay sheegtay dhacdadaasi inay la kulantay xilli iyada iyo xaaska Cabdi Maxamuud ay raashiin geeyeen xabsiga, islamarkaana ay aragtay wiilkeeda oo Sideed nin ay garaacayaan, lagana soo tuurayo jaranjaro ku taalla xabsiga.

Hooyo Deeb Mahad Colow waxay sheegtay inay qaylisay iyada iyo xaaska Cabdi Maxamuud Cumar oo wada socda, isla markaana raggii xabsiga haystay ay soo eryadeen, sidoo kale waxay tilmaamtay in dhulka madaxa looga garaacay Cabdi Maxamuud Cumar, uuna gabay codkii taaha ahaa.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27-kii August ee sanadkan lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, kadib markii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen ciidanka Itoobiya, eedeymaha loo heysto waxaa ka mid ah xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo maamulkiisu geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka oo ka cabsi qaba talaabo ay damacsan tahay dowlada Somalia

admin

Biden oo oo si weyn u kordhiyey tirada Qaxootiga Maraykanku qaato sanad walba

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Ninkii ka dambeeyey weeraradii ka dhacay Paris oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---