Qarax nuuca miinada hareeraha waddooyinka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay laamiga dheer ee degmada Dayniile gaar ahaan halka loo yaqaan Ifis, waxaana qaraxan lala eegtay ciidamo katirsan dowladda .
Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada booliisa milataari ee lagu wareejiyay ammaanka caasimadda , waxaana qaraxa uu dhacay xilli gaariga dagaal halkaasi marayay.
Ku dhawaad toban qof oo u badan ciidankii la socday gaariga la qarxiyay ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaaray, waxaa sidoo kale jira dad shacab ah oo qaraxan miino uu kasoo gaaray dhaawacyo.
Ciidamo isugu jira booliis iyo ciidamada amniga caasimadda lagu wareejiyay ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka xir xireen dad ay ku tuhmayaan in ay ku lug leeyihiin qaraxa dhacay.
Muqdisho waxaa kusoo badanaya qaraxyada lala eegto ciidamada booliiska sida milatariga u tababaran ee lagu wareejiyay amniga caasimadda, bishii hore ayaana sidan oo kale ciidamada loogu qarxiyay xilli ay marayeen laamiga Dayniile.