Allbanaadir.com
NEWS

Gaadiidkii ay laheyd Safaarada Somalia ee dalka Suudaan oo la bililiqeystay (Sawirro)

Maleeshiyaad hubeysan ayaa maanta bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq.

Dalka Suudaan ayaa cagaha la galay dagaallo sokeeye iyo kala dambeyn la’aan labadii bilood ee la soo dhaafay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamadii xukunka ka tuuray Madaxweyne Al-Bashiir.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa qoraal uu ka soo saaray arrintan ku cambaareeyey falkan

“Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay Guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, lana qaatey gawaarigiidii Safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuushnimada ah waxaa sameeyey maaleeshiyaad hubeysan oo aan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha Diplomasiyiinta.“ayaa yiri Safiirka.

Ciidamada milateriga iyo xoogaga gurmadka deg deg ah ee RSF oo ku dagaalamaya magaalada Khartuum ayaan illaa hadda wax war ka soo saarin dhacdadan lagu boobay gaadiidkii safaarada Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis is afgarad ah ka gaaray Xiisadii Balad Xaawo

Cabdi Cade

Magaalada Bakhmut oo qarka u saaran iney qabsadaan ciidanka Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay go’aankii uu qaatay Madaxweyne William Ruto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---