Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kawada hadlay muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo dhimista ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo awoodda amni dowlada Somalia
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen dalka Jabuuti ayaa labada masuul waxay muujiyeen sida aysan ugu qanacsaneyn in haatan la dhimo ciidamada ATMIS, iyadoo aan la xaqiijin in Soomaaliya ay awood u leedahay inay si hufan ula dagaallanto Al-shabaab.
Ruto iyo Geelle waxay ku adkaysteen baahida loo qabo in la ilaaliyo waxay ugu yeereen guulaha ATMIS ay ka gaartay xoojinta amniga Somalia.
“Annagoo ka ah dalalka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaan ku heshiinnay in shir-madaxeedka IGAD ee soo socda in looga hadlo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaareen AMISOM/ATMIS.” ayaa lagu yiri shirka Jaraaid
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS-ka ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la filayaa inuu dhimo 2,000 oo askari marka la gaaro bisha June 30-keeda, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, waxaana jira shaki badan oo la xiriira in dhimista ciidamadan ay fursad u noqoto Al-shabaab.