Allbanaadir.com
NEWS

Maxay tahay talaabada uu qaadayo Sacuudiga ee ka careysiin karta Mareykanka?

Sacuudiga ayaa qorshaynaya inuu Shiinaha la yeesho wada-shaqayn fiican, oo aan ku salaysnayn tartan labada dhinac dhexmara, sida uu sheegay wasiirka tamarta ee dalka Sucuudiga.

Waxaa uu intaas ku daray inaanu wax weyn ka soo qaadaynin, tuhunada sii kordhaya ee ay wadamada reer galbeedku ka muujinayaan xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya labada dal.

Wasiirka tamarta ee dalka Sucuudiga oo la weydiiyey, dhaleecaynta loosoo jeedinayo, iskaashiga labada dal, intii uu socday, shirka ganacsiga ee wadamada Carabta iyo Shiinuhu, ayuu sheegay “inaanu wax weyn ka soo qaadayn arrintaas, sababtoo ah ayuu yiri, ka ganacsato ahaan,  waxaad aadaysaa, meesha ay fursaddu taallo”

Ganacsatada Shiinaha iyo maalgashadayaal kale ayaa ku qulqulaya caasimadda Riyadh, si ay uga qayb galaan shirka u dhexeeya ganacsatada carabta iyo Shiinaha, kaasoo ku soo aaday, maalmo yar uu ka dib markii dalkaas booqday wasiirka arrimaha debedda ee Maraykanku.

Sucuudiga ayaa ah, dalka ugu weyn ee saliidda dibedda u dhoofiya, halka dalka Shiinuhuna uu yahay, dalka ugu ballaadhan ee isticmaala shidaalka, waxaana xidhiidhka labada dhinac saldhig u ah, isdhaafsiga shidaalka iyo tamarta.

Sidoo kale waxaan meesha laga saari karin oo ku dhex jira iskaashigooda, arrimo taabanaya, sii xoojinta arrimaha ammaanka iyo farsamada casriga ah, inkasta oo Maraykanku uu arrimahan walaac xooggan ka qabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka xoogga oo saraakiil katirsanaa Al Shabaan ku qabtay deegaanka Cowsweyne

Cabdi Cade

Musharaxiin badan oo ku tartamaya Doorashada kursiga HOP106 (Magacyada+Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---