Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay shan nin oo lagu eedeyey dembiyo culus

Al-shabaab ayaa Fagaare ku yaalla degmada Tayeglow ee gobolka Bakool waxay ka fulisay xukun dil ah oo lagu fuliyay rag ku eedaysan falal basaasnimo ah.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada oo Al-shabaab ay isku yeertay ayaa ku sugnaa fagaaraha oo  lagu toogtay illaa 5 nin oo dhammaantood lagu helay inay u aasaasayeen Sirdoonnada Mareykanka iyo Itoobiya.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa magacyada ragga la dilay ku kala sheegtay:-

1- Aweys Xaaji Xasan Liibaan da’diisu waa 41 sano jir waxaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay sirdoonada C.I.A-da Mareykanka iyo midka Maamulka Koonfur Galbeed iyo inuu qeyb ka ahaa Shabakadii Boorow Tukow.

2- Cabdi Wahaab Cumar Mubaarak “Lafoole” da’diisu waa 21 sano jir, waxaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka, uuna qeyb ka ahaa Shabakadii jawaasiista ee Dr. Ayuub.

3-Zakariye Yuusuf Xuseen da’diisu tahay 30 sano jir waxaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Sirdoonka Itoobiya, kaasoo laga soo diray magaalada Jigjiga sida ay sheegtay Al-shabaab.

4-Ibraahim Xassan Maxamed oo ku magac dheer “Jaabir” da’diisu tahay 49 sano jir waxaa isna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka isagoo qeyb ka ahaa shabakadii Dr. Ayuub.

5- Maxamed Abuukar Cusmaan da’diisu tahay 34 sano jir waxaa lagu eedeyey inuu la shaqeynaayay sirdoonada Mareykanka iyo Kan Itoobiya, uuna hagi jiray duqeymihii ciidamada Itoobiya ku garaaci jireen Muqdisho dhowr iyo toban sano ka hor.

Al-shabaab ayaa looga bartay iney degaanada ay ka taliso ka fuliso xukuno dil ah oo ka dhan ah dad loo heysto iney yihiin basaasiin u shaqeeya Sirdoono Shisheeye iyo kuwa DF Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Ireland (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamda Qalabka sida ma gudan doonaan waajibaadooda ka saaran dalka, mise ?

Cabdi Cade

Dowladda oo qaaday tallaabo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---