Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen oo Buur hakaba ka dhagax dhigay labo Mashruuc oo waaweyn (Sawirro)

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Howlaha Guud, Xildhibaano ka tirsa Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Baay ayaa Dhagax dhigay dhismaha Jaamacad iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay.

Shacabka degmada Buur Hakaba ayaa soo dhoweeyey talaabada uu qaaday Laftagareen, maadaama ay tahay markii ugu horeysay ee degmadaas ay yeelato Jaamacad iyo garoon dayuuradeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa intii uu ku sugnaa halkaas Daah-furey Dhismaha Gollaha Degaanka Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay ka dib kulan ka dhacay xerada ciidamada Itoobiya ee ka tirsan ATMIS ku leeyihiin degmadaas.

Laftagareen ayaa horey socdaalo ku soo maray degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool, isagoo degaanada uu soo maray qaarkood ka dhagax dhigay mashaariic kala duwan oo iskugu xarumo caafimaad, jidad iyo garoomo dayuuradeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Nin dil geystay 40 sano ka hor oo ugu dambeyn gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Xisbiyada Mucaaradka oo goordhaw ku dhawaaqaya Isbahaysi cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ballanqaad cusub ka helay Abdullah Bin Salem (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---