Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamad dembi ku weysay heyad Islaami ah oo loo heysto iney taageerto argagaxiso

Mid ka mid ah hay’adaha samafalka ee ugu weyn Canada ayaa ku guuleysatey kiis ku aadan warar been abuur ah oo laga faafiyay kuwaasoo lagu sheegay inay maalgeliyaan kooxaha argagixisada ee dibadda.

Islamic Relief Canada waxay heshiis is afgarad ah la gaartay maxkamadda horraantii bishan dacwad ka dhan ah Thomas Quiggin – sarkaal hore uga tirsanaa militariga oo hadda isku bedelay cilmi-baare iyo lix kale. kuwaasoo sameeyay hadallo “been abuur ah, xaasidnimo iyo sumcad dil ah” oo looga dan lahaa in lagu waxyeeleeyo hay’adda.

Kiiskan ayaa muujinaya nooca macluumaadka khaldan ee ay hay’adaha gargaarka sharciga ah ay inta badan kala kulmaan fulinta hawlahooda bini’aadantinimo,” ayuu yiri Usama Khan, Agaasimaha Islamic Relief Canada.

“Isfahamka ay dacwadda ee Islamic Relief Canada waa tallaabo muhiim u ah dagaalkooda,” ayuu yiri Khan.

“Marka aan la xisaabtano kuwa faafiya macluumaadka khaldan iyo ficiladooda, waxaan u diri karnaa fariin cad in aan loo dulqaadan doonin dhaqanka noocan ah.” ayuu intaas ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boris Johnson oo iska casilay Xubinnimada Baarlamaanka UK iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Cabdullaahi Waafoow

Cabdi Cade

Booliiska Pakistan oo Dacwad kusoo oogay Imran Khan iyo Taageerayaashiisa oo hanjabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---