Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqalka sare oo ka hadlay sababta ay uga baaqdeen furitaanka kalfadhiga Baarlamanka (Akhriso)

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa kulankooda kaga hadlay  qaraxii ka dhacay xarunta degmada Hodan, iyagoo u tacsiyeeyay dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi.

Sidoo kale Gudiga ayaa waxay soo hadal qaadeen sababta ay maanta ugu qeyb gali waayeen furitaanka kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliiya, waxayna ku tilmaameen inay taasi tahay sababo amni iyo kuwa farsamo oo haystay aqalka sare.

Kulanka guddiga joogtada ee Aqalka sare ayaa waxay maanta walaac kaga muujiyeen xaalada murugsan ee siyaasadeed, mida amniga iyo nidaamka federaalka.

Ugu dambeyntii xubnaha guddiga ayaa waxay go’aamiyeen in aqalka sare ay xal ka gaarayaan arimaha Nidaamka federaalka.

Hoos ka akhriso qoraalka aqalka sare:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Paris

Cabdi Cade

Kolonyo uu la socday Wasiir Goodax oo lagu qarxiyey meel ku dhow B/Xaawo (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada dowlada oo galabta dagaal kula wareegay degaan ka tirsan galbeedka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---