Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal ay ka qeyb qaadanayaan ciidan Mareykan ah oo ka socda Sh/hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo taageero ka helaya dayuuradaha wax duqeeya ee Mareykanka ayaa maanta howlgal balaaran ka wada degaano ka tirsan Sh/hoose.

Warbaahinta DF ayaa sheegtay in howlgalkaas uu weli socdo, dagaalo culusna ay dhacayaan.

“Howlgal ay sida wadajir ah u samaynayaan Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa hadda ka socda Tuulada Buula Maxamed Cabdalla oo hoos tagta degmada Aw-dheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta DF

Inta la ogyahay 19 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkan, iyadoo Saraakiil ka tirsan Ciidanka DF ayaa Warbaahinta u sheegeen in sidoo kale la burburiyay Gaadiid iyo Hub ay lahayeen Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Heshiis Iskaashi ay gaareen Soomaaliya iyo Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “Shakigii aan qabnay Maraykanka hadda ayuu cadaaday”

Caydiid Ali

(Sawirro) Magacyada Saraakiil Al shabaab loogu dilay howgal ka dhacay duleedka Jamaame

Caydiid Ali
Taboola Ads ---