Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xamse Barre oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo loogu talo galay..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina, oo loogu talagalay  in lagula tacaalo muwaadiniinta  ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.

Xaruntan oo loo dhisaayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar, oo ka imaanaysa shacabka iyo  dowladda Soomaaliyeed, iyadoo  ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran oo ka duuleysa baahida bulshada  ee dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, ayaa warbixinno ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tima jare xabsi u galay wiil yar uu tinta si xun uga xiiray !!!

Cabdi Cade

C/kariin Guuleed oo qoraal cajiib ah ku faaqiday dhamaadka xilliga Farmaajo

Caydiid Ali

(Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey dayuuradii lagu soo riday Berdaale & Ganacsade caan ah oo

Caydiid Ali