Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe iyo faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Qarax ayaa goor dhow oo barqadii ah ka dhacay nawaaxiga isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho kaasoo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimada.

Sida wararku nagu soo gaarayaan gaari lagu soo xiray miino ayaa ku qarxay isgoyska xili iyo dad badan ku sugnaayeen.

Gaariga qarxay ayaa waxaa lahaa sarkaal ka tirsan laamaha amaanka dowlada Somalia sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan inkastoo aan la ogeyn inuu la socday xiliga qaraxu dhacayey iyo in kale.

Xiliga uu qaraxa dhacayey ayaa waxaa la sheegay iney xirneyd wadada Maka Al-Mukarama ka dib markii ciidamada DF ay gaadiidka shacabka u diideen iney maraan sababo aan la ogeyn awgood.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay Qaraxan, waxaana goobta xiray ciidamada amaanka oo halkaas ka wada baaritaano, iyadoo qaraxan uu ku soo beegmay 48 saac ka dib markii weerar qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Maqaayad ku taalla Xeebta liido halkaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 10 qof oo shacab u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo War ka soo saartay duqeyntii Gobolka Bari

Caydiid Ali

Waddo Isku xirta Madaxtooyada iyo Dekedda Muqdisho oo dib loo dhisay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kooxaha kubadda cagta ee Soomaaliya oo dalbanaya doorasho xalaal ah (Qaylo dhaan Xoogan)

admin
Taboola Ads ---