Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo jawaab caro leh ka bixisay eedeyn cusub oo kaga timid Mareykanka

Itoobiya ayaa ku eedeeysay hay’adda Horumarinta gargaarka Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) inay sumcad xumo u geysatay dowladda federaalka dowlad goboleedyada iyo sidoo kale ciidamada ka dib markii ay hay’addu sheegtay in ay heshay warar ku saabsna in la leexsaday raashin mucaawino ah.

Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Legesse Tulu ayaa sheegay in eedeeynta USAID aanay wax iskaashiya ama talo ah kala yeelan hay’adaha dowladda, welina ay baaritaannadu socdaan.

“Eedda ay USAID ku eedayneyso dowladda waa mid aan gabi ahaanba la aqbali karin, marka ay hay’ad samafal oo iyadu maamuleyso qeybinta iyo gacan ku haynta gaarsiinta gargaraarka ee deegaanadaas ay haddana tiraa in ay goob joog ka ahayd weecinta gargaarka” ayuu hadalkiisa ku daray Mr. Legesse.

USAID iyo WFP ayaa Horaantii todobaadkan  waxay joojiyeen gargaarkii cunto ee ay siin jireen Itoobiya halkaasoo ku dhawaad ​​labaatan milyan oo qof ay ku tiirsan yihiin gargaarka bini’aadannimo sabab la xiriira colaadaha iyo abaaraha.

Legesse Tulu ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay in hakinta raashinka ee hay’adda caalamiga ah ee Maraykanka ee USAID uu yahay “go’aan siyaasadeed”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Shaki galiyay Dowladnimada Soomaaliya oo Muqdisho imaanaya

Cabdi Cade

Horumarka Muqdisho 30 sano ka dib Madaxwyane Farmaajo Qayb maka yahay?

admin

Madaxweyne Xaaf oo War kasoo saaray Guddiga Dowlada federaalka magacawday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---