Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Erdogan oo dib u doorashadisii ka dib socdaalkii ugu horeeyey ku tagaya dibeda

Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan oo dhawaan dib loo doortay ayaa la filayaa inuu Maalinta Isniinta oo ku beegan bishan June 12-da uu u ambabaxo Safarkiisa Koowaad ee Dibedda.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada dalkaasi Lugta Koowaad ee safarkiisa waxa uu ku tegi doonaa Jesiiradda Kala-qeybsan ee Qubrus, gaar ahaan Jamhuuriyadda Waqooyiga Qubrus oo ay degan yihiin Muwaadiniin asalkooda Turkish yahay.

Waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa Waqooyiga Qubrus, Ersin Tatar iyo RW Ünal Üstel

Labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan Qorshooyinkooda ku aadan Qaddiyada Jesiirada Qubrus iyo Dhacdooyinkii u dambeeyey ee Bariga Badda Mediterranean Sea.

Erdoğan ayaa sidoo kale waxa u qorshaysan inuu Maalinta Talaadada June 13 u safro dalka Azerbaijan, isagoo la kulmi doona dhigiisa dalkaasi,  Ilham Aliyev, iyadoo labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada :Wasiir Sabriye oo la kulmay Sheekh Shaakir iyo Kulamo Xasaasi ah oo…

Cabdi Cade

Shirkad Maraykan ah oo magdhow Milyan dollar gaaraya siineysa shaqaale Soomaali ah

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur oo 3 ujeedo ka leh taageerada dhaqaale ee uu weydiistay shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---