Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidanka Kenya oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay qeybo ka tirsan Jubada Hoose

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka ATMIS oo kaashanaya Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa howlgalo cusub ka bilaabay degaano ka tirsan Jubada Hoose.

Ciidamada ayaa si wadajir ah roondo uga sameeyay deegaanada Tuulo barwaaqo, Wadajir iyo Dhagaxa oo 35km u jira magaalada Dhoobley ee ku dhow xadka Kenya.

“Roondeyntu ay ciidamadu sameeyeen waxay gacan ka geysaneysaa sugidda amaanka wadooyinka Muhiimka ah ee ay ka gudbaan saadka iyo dadka ee gobolka Jubada Hoose” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameynayey gaadiidka safarka ah iyo dadka la socda, iyagoo raadinaya hub iyo waxyaabo qarxa oo la kala gudbinayo.

Sidoo kale, ciidamada Kenya ayaa shacabka degaanadaas ku dhaqan farayey fariiimo ka dhan ah Al-shabaab iyo iney soo wargeliyaan hadii ay la kulmaan dhaqdhaqaaqyo ay Al-shabaab wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waayeelkii ku lumay Saxaraha ee uu soo badbaadiyay Eygiisa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Somalia oo saaka loo doortay Maamul cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay suuq kuyaalla magaalada Jowhar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---