Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa u muuqda inuu xaqiijinayo in dalkiisa uu bilaabay duulaanka ka dhanka ah Ruushka ee mudada dheer la sugayay.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii ay sii kordheen dagaallada koonfurta iyo bariga Ukraine iyo qiyaasaha ku saabsan horumarka laga filayo in ruushka dib loo riixo.
“Weerar iyo isdifaac ayaa dhacaya” ayuu yiri maantay, laakiin waxa uu intaa ku daray in aanu si faahfaahsan uga hadli doonin heerka uu marayo ama uu sheegi doono weerarka rogaal celiska ah.
Ciidamada Ukraine ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo dhaqaaqeen dhanka bari ee u dhow Bakhmut iyo koonfurta meel u dhow Zaporizhzhia, waxaana la sheegay in ay weerar duqeyn oo riddo dheer ay ku qaadeen bartilmaameedyada Ruushka.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku sheegay wareysi muuqaal ah oo la faafiyay Jimcihii in ciidamada Ukraine ay xaqiiqdii bilaabeen duullaankooda balse isku daygii hore ee ay sameeyeen ay ku fashilmeen.
Laakiin in la qiimeeyo xaqiiqada ka jirta jiidda hore ee dagaalka ayaa adag, iyada oo labada dhinac ee dagaallamaya ay soo bandhigayaan warar iska soo horjeeda.