Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

QM oo ka hadashay qarax caruur badan ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha hoose

Hay’adda QM u qaabilsan hooyada iyo dhalaanka ee UNICEF ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay sida ay uga naxday wararka sheegaya in ugu yaraan 22 caruur ah ay ka mid yihiin 27 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose., iyadoo afar ka mid ah caruurtaas ay ahaayeen walaalo hal qoys ka soo wada jeeda.

UNICEF ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dadkaasi ay dhinteen ka dib markii haraaga walxo qarxa ay ku qarxeen goob ay caruurtu ku ciyaareysay.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeyneynaa kuwa dhaawaca ah caafimaad degdeg ah. Ma ahan in qoysna uu ilmihiisa ku waayo xaaladdan murugada leh,” ayay tiri UNICEF.

“Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka.”

UNICEF waxay sheegtay in ay saaxiibadeeda maxalliga ah kala shaqeyneyso in gargaar loo fidiyo shakhsiyaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.

“Shalay ayaa tuulada Muraale ee hoostagta degmada Jannaale waxaa qarax ka dhacay deegaankaasi uu dilay 27 qof” ayuu yiri Guddoomiyaha Jannaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur al-Cadaala.

Waxaa uu intaas ku daray in walaxdan ku qaraxday dadka deegaanku inay u muuqato, mid ay ahayd in loo adeegsado weerarada ka dhanka ah ururka al-Shabaab, hase ahaatee aanay qarxin xilligaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

R/W Kheyre oo fuliyay Balan qaadyo uu u sameeyay qaar kamid ah Xildhibaanada (Akhriso)

admin

Heshiis ku kacaya 40 Milyan oo dollar oo lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Miisaaniyada gobolka Banaadir ee sanadka 2019-ka oo la ansixiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---