Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Dab qabsaday dhismaha caanka ah ee Kamala Mills oo dad badan laayey

Dab xooggan oo saqdii dhexe ka kacay dhisme ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa dilay ugu yaraan 14 ruux, sida ay saraakiisha wadankaas sheegeen, waxaana ku dhaawacmay qaar kale.

Dabka ayaa ka kacay dhismaha caanka ah ee Kamala Mills isagoo ka billowday dabaqa sare oo hotel iyo suuq laga dukaamaysto isugu jira.

Dabka ayaa dhibaato baaxad leh u gaystay dhismaha muddo 30 daqiiqadood ka yar, sida ay wararku sheegayaan.

Lix ruux ayaa isbitaal la dhigay, sida ay sheegtay waaxda masiibooyinka qaabilsan ee magaalada Mumbai kuwaasoo qaarkood dhaawacyo halis ah laga daweynayo.

Dadka ay dhintay badankood waxay ahaayeen dumar ka qaybgalayay xaflada Gabar 28 jir ah oo u dabaaldagaysay dhalashadeeda taasoo ka mid noqotay dadka ku dhintay dabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goor dhow ka dhacay Nairobi iyo Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kalfadhiga 1-aad ee Gollaha Shacabka oo goordhaw Furmay iyo Ajandayaasha looga hadlayo

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Kooxda Daacish oo mudo dheer kadib soo diray fariin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---