Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo xariga ka jaray xarun qurux badan oo loo dhisay..(Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo wehliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbrashada Dowladda Galmudug ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashada  Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Xaruntan oo si carsi ah loo dhisay, loona qalabeeyey ayaa laga hirgeliyey magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug

Munaasabadda xarig jarka waxaa ka soo qayb galay xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku soo wareegay xarunta cusub ee Wasaaradda Waxbarashada  Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo qeybaha ay ka kooban tahay.

Qoorqoor ayaa ugu hambalyeeyey masuuliyiinta Wasaarada dhismahan cusub, isagoo xusay inuu muujinayo ama calaamad u yahay sida Maamulka Galmudug uga go’an tahay dardar gelinta horumarinta Waxbarashada degaanadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdi Max’uud Cumar oo maanta la soo taagayo Maxkamad ka sareysa tii hore

Caydiid Ali

Agaasimihii Madaxtooyada Galmudug oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeed muhiim ah oo la horgeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---