Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Mas’uuliyiin loo Magacaabay xilal culus oo lagu hor dhaariyey Laftagareen

Munaasabad lagu dhaarinayey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Mohamed Ibrahim BarreĀ  iyo Gudoomiye ku xigeenka Qorshaynta Gobolka Shabeelaha hoose Mudane Bashiir Axmed Yuusuf ayaa maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose iyo Gudoomiye ku xigeenka Qorshaynta Gobolkaas.

Munaasabad Dhaarinta ayaa sido kale waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan BFS, labada Golle Dowlada Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa habeen hore Magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Gudoomiye ku xigeenka Qorshaynta Gobolkaas iyo Hanti-Dhowrka Guud Dowlada Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ee Xasilinta iyo Ilaalinta Arimaha Rayidka Mudane Maxamed Abdi (Waare) oo Safar shaqo Baydhabo ku gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay Saraakiil la dallacsiiyay

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo soo fara geliyey khilaafka Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---