Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiliga ay dalka ka baxayaan qeybtii ugu horeysay ciidanka ATMIS oo la shaaciyey

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, kaasoo ay ka qeybgaleen wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika oo dalka u jooga uu kuurgalida howsha bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in dhammaadka Bishan June dalka ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS kuwaasoo gaaraya 2,000 askari, ayna mas’uuliyadda ammaanka dalka ku wareejin doonaan Ciidanka  Xooga Dalka Soomaliyeed.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Safiir Mohammed El-Amine Souef ayaa wasiirka uga mahad celiyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan Dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta Saraakiisha u timid inay uu kuur galaan  hanaanka bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur  ayaa u mahadceliyay Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika doorka ay ka qaateen  Xasilinta iyo amniga dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in tilaabo wanaagsan la gaaray oo ah inay maanta Ciidanka xoogga dalka ku filan yihiin in ay ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga goobaha la isla gartay.

Qorshaha kala wareegida amniga ATMIS wuxuu u socon doonaa sida loogu talagalay illaa askariga u dambeeyay dalka ka bixi doona dhammaadka December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628 ee ka soo baxay golaha amaanka ee QM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Hoggaanka xisbiyada Waddani iyo Kulmiye

Cabdi Cade

Xiriirka Iran iyo Lubnan oo bur bur qarka u saaran kaddib markii…

Cabdi Cade

Odayaasha beelaha Muqdisho oo dalab hordhigay Guddoomiyaha gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---