Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Kumandoska & kuwa Maraykanka oo Maxaabiis ka soo furtay Al-Shabaab

Hawlgal qorsheysan oo ciidanka kumandoska Somalia iyo kuwa Maraykan ah ka fuliyeen degaano hoos-taga degmooyinka Afgooye iyo Balcad ayay kula wareegeen degaanada Basra iyo Baqdaad oo ay ku sugnaayeen xoogag taabacsan al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sheegaty iney hawlgalkaas ku soo furteen dad shacab ah oo u xirnaa Al-shabaab, kuwaasoo hadda dib ula midoobaya ehelkooda sida saraakiishu sheegeen.

Ciidanka ayaa degaanadaas ka wada hawlgalla nabadgalyada lagu xoojinayo, isla markaana miinooyinka looga saarayo jidadka sida uu xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan xoogga dalka oo intaas ku daray in tiro ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgalka, loogana furtay saanad ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas & Israel oo is dhafasaday Meydad & Maxaabiis (Sawirro)

Caydiid Ali

Ergeyga dowlada Qatar u soo dirtay Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Wufuud ka kala socota dowlada iyo Mucaaradka oo maanta ku wajahan Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---