Tahriibayaal afduubatay Markab Xamuul ah oo ku sii jeeday Europe (Sawirro)
Markab Xamuul oo dalka Türkiye laga lahaa oo ku sii jeeday dalka Faransiiska ayaa la sheegay inay cabsi geliyeen Burcad Muhaajiriin ahaa meel ka baxsan Xeebaha dalka Talyaaniga.
Xubno ka tirsan Ciiddanka Khaaska iyo Mariniska dalka Talyaaniga ayaa u gurmaday Markabkaasi oo lagu magacaabo Galata Seaways, kaasi oo ka soo shiraacday Turkiye, kuna wajahnaa dalka Faransiiska.
Wasiirka Difaaca ee Talyaaniga, Guido Crosetto oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay inay koox ka tirsan Komaandooska iyo Mariniska oo la socday dhowr Helikobtaro ku daateen Markabka, kadib, markii uu Kabtankii Markabka soo diray Fariin Qeylo-dhaan Gurmad ah.
Wasiirka Difaaca Talyaaniga waxa uu sheegay inay 15 Muhaajiriin ah oo ilaa 3 ka mid ay Tooreey ku hubaysnaayeen ay qafaasheen 22 Muwaadiniin Turkish ahaa ee Shaqaale ka ah Markabka.
Muhaajiriinta ayaa la sheegay inay la wareegeen Hoggaaminta Markabka, iyagoo qorshaynayey inay gaaraan dal ka mid ah dalalka Europe.
Wargeyska maalinaha ee The Repubblica ayaa qoray inay Shaqaalaha markabka kashifeen Muhaajiriinta sida dhuumaalaysiga ku soo galay Markabka.
Wakaallada Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay qortay inay qaar ka mid ah Muhaajiriinta isku daayeen inay Shaqaalaha Markabka afduub ahaan ugu haystaan gudaha buundada.
Markabka ay Muhaajiriinta ku fashilmeen inay qafaasheen ayaa waxa uu dhererkiisu ahaa 200 oo mitir iyo 20 mitir oo balac ah.
Xilligii la qafaalanayey waxa uu Markabku marayey Biyaha Badda Talyaaniga, meel ku dhow Jesiirada Ischia .
Dhanka kale, qaar ka mid ah Muhaajiriintaasi ayaa Badda isku tuuray, kadib, markii ay maqleen Guuxa Helikobtarada Ciiddanka Gurmadka Talyaaniga ee dul heehaabayey Markabka dushiisa.
Mariniska Talyaaniga ayaa la wareegay Kontoroolka Markabka, iyagoo u gelbiyey duleedka Dekedda magaallada Naples, halkaasi oo ay joogeen Ciiddamo Bolis oo aad u hubeysan.
Shaqaalaha Turkish-ka ee la socday Markabka la soo badbaadiyey waxaa la sheegay inay Nabad qabaan.
Nuradin Ahmed Dini
Mogadishu, Soomaaliya