Allbanaadir.com
NEWS

Boris Johnson oo iska casilay Xubinnimada Baarlamaanka UK iyo Sababta keentay

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Britian Boris Johnson ayaa iska casilay xubannimada baarlamaanka ee dalkaasi, waxaana iscasilaada Boris sabab looga dhigay  fadeexadii Partygate .

Guddi xildhibaano ah oo katirsan baarlamaanka UK ayaa diyaariyay warbixin  ku saabsan in uu marin habaabiyay golaha shacabka iyo in kale, waxaana Boris lagu heestaa uu cadaadis kala kulmay fadeexadii Partygate.

Ra’isul Wasaarihii hore ee UK ayaa sheegay in lagu qasbay in laga saaro baarlamaanka sababo la xiriira fadeexadii Partygate, waxa uuna shaaciyay in guddiga loo saaray arrintiisa la mid yihiin Maxkamad Kangaroo ah.

Tallaabadan uu baarlamaanka iskaga casilay Ra’isul Wasaarihii hore ee UK ayaa hadal heyn badan ka abuurtay gudaha UK, waxaana iscasilaaddan dhalin doontaa doorasho ku celis ah oo laga qabto kursigiisa galbeedka London ee Uxbridge iyo South Ruislip.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Michael Nithavrianakis iyo wafdi la socday oo gaaray Baydhabo lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Xarumo cusub

Caydiid Ali

Daawo:-Sirta ka Dambeysa Safarada Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Eritrea iyo Xogo badan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---