Allbanaadir.com
NEWS

Hal bilyan oo Dollar oo loo soo waday Dalal kuyaalla Qaarada Afrika oo la qabtay

Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa howlgal qorsheesan oo ay sameeyeen waxa ay ku qabteen lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah iyo dadkii lacagtaasi watay oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan.

War kasoo baxay booliiska Turkiga ayaa lagu sheegay in howlgalka lacagtan lagu qabtay uu ka dhacay  Istanbuul, waxa ay sidoo kale booliiska xireen lix nin oo saddex kamid ah kasoo jeedaan Sweden, qof u dhashay Turkiga iyo nin kale oo kasoo jeeda Ghana.

Lacagtan faalsada ah oo u diyaarsaneed boqol boqol doolar ayaa ciidamada Turkiga ku qabteen degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, lacagahan ayaana la qorsheeyay in loo diro dalal kuyaalla Qaarada Afrika.

Ciidamada dambi baarista Turkiga ayaana bilaabay baaritaano lagu sameenayo dadkan loo xiray lacagta faalsada ah, waxaana xogta xariga raga lala socodsiiyay safaaradaha dalalka ay kasoo jeedaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Booliiska Maraykanka oo qabtay ninkii toogtay saddex arday oo reer Falastiin ah

Caydiid Ali

Madaxweynaha Xasan oo la tusay istaraatiyadda iyo qaabka loo qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha rayidka ah (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---