Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay Sababtii ay u weerareen maqaayada Pearl beach iyo tirada dadka ay dileen

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii cuslaa ee xalay lagu qaaday maqaayada Pearl beach ee kutaalla xeebta Liido, weerarkan ayaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War saxaafadeed ay soo saareen kooxda Al Shabaab ayey ku sheegeen in ay weerar culus ku qaadeen maqaayada Pearl beach, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in maqaayadaasi ku caween jireen dad ay ku jiraan masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dadka maqaayada ku weerareen ay ahaayeen kuwa hormuud u ah dagaalka lagu soo qaaday goobaha ay joogaan, waxa ayna xuseen in ragii weeraray hotelka muddo saacado badan ah halkaasi ka dagaalameen.

Warka ay soo saareen Al Shabaab waxa ay ku sheegeen in weerarka intii uu socday ay dileen 29-qof, halka ay dhaawaceen tiro intaasi ka badan, mana sheegin Al Shabaab dadkaasi ay dileen xilalka ay hayeen iyo hayadihii ay katirsanaayeen.

Maqaayada weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in ay inta badan ku caween jireen dad u badan shacab, waxaana maqaayada mararka qaar tagi jiray masuuliyiin katirsan dowladda iyo sidoo kale saraakiil ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dalalka G-7 oo qiimo cusub u gooyey Gaaska dalka Ruushka & Moscow oo diiday

Caydiid Ali

Masuuliyiinta cusub ee loo doortay Maamulka SSC oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) C/kariin Guuleed oo 3 sano ka dib qoraal xasaasi ah ka soo saaray xaalada dalka

Caydiid Ali