Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo soo afjaray weerarkii lagu qaaday maqaayada Peral iyo Masuuliyiin laga…

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa saacado badan kaddib soo afjaray weerarkii Al Shabaab xalay ku qaadeen maqaayada Pearl beach ee kutaalla xeebta Liido.

Weerarka lagu qaaday maqaayada Pearl becah ayaa ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah , waxaana qaraxyada kaddib gudaha hotelĀ  galay dagaalamayaal hubeesan oo katirsan Al Shabaab , kuwaa oo muddo saacado dagaalamayay.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkii Shabaab ku qaadeen maqaayada, waxa ayna sheegeen in ciidamada dileen raggii hotelka weeraray oo gaarayay ilaa shan nin oo hubeesan.

Ciidamada dowladda ayaa intii uu socday weerarka ku guuleestay in ay soo bad baadiyaan dad badan oo maqaayada la weeraray ku godoonsanaa, dadka lasoo bad baadiyay ayaa waxaa ku jiray masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarka lagu qaaday maqaayada Pearl beach ayaan ilaa hadda la shaacin, mana jiro war rasmi ah dowladda Soomaaliya kasoo saartay weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday maqaayada Pearl beach ee kutaalla xeebta , waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen masuuliyiin iyo dad kale oo dowladda u shaqeeya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada Danab oo la wareegay Koontaroolka Koonfureed ee Garawe Digniina diray

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliys oo si adag uga hadashay Weerar ciidamada Kenya ka fuliyeen gobolks Gedo

Cabdi Cade

Daawo:-Farmaajo oo la sheegay inuu rabo boqortooyo iyo Xaalka Somaliland iyo China oo Allow sahal ah

admin