Rasaas ayaa wali laga dhax maqlayaa maqaayada Pearl ee kutaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaas oo caawa weerar xooggan ku qaadeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab .
Weerarka Al Shabaab ku qaadeen maqaayada ayaa ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, waxaana qaraxyada xigay rag hubeesan oon tiradooda la sheegin oo weerar toos ah ku galay gudaha maqaayada.
Ciidamada ammaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran iyo raga hubeesan ayaa ku dhax dagaalamaya dhismaha maqaayada, waxaana mararka qaar maqaayada laga dhax maqlayaa qaraxyo bambaano.
Al Shabaab war kasoo baxay ayey ku sheegteen masuuliyadda weerarka caawa ka socda xeebta Liido, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ragga hubeesan ee katirsan kooxdooda la wareegeen dhismaha maqaayada.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali war kasoo saarin weerarka caawa ka socda xeebta Liido, lamana oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarka Al Shabaab ku qaadeeh maqaayada Pearl.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com