Weerar qaraxyo ku bilowday ayaa caawa dagaalamayaal katirsan Al Shabaab waxa ay ku qaadeen maqaayad weyn oo ku taalla xeebta Liido oo lagu magacaabo Pearl.
Rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay dhismaha maqaayada, waxaana qaraxyada kaddib dhismaha hotelka galay rag hubeesan oo ilaa hadda ka dhax dagaalamaya.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee booliiska iyo nabad sugida Soomaaliya ayaa galay dhismaha maqaayada, waxa ayna ciidamada soo bad baadiyeen dad ku xayirnaa dhismaha maqaayada la weeraray.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka ka socda Liido, waxaana wali la maqlayaa qaraxyo iyo rasaas ka dhax dhacaya maqaayada Pearl.
Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ay socdaan howlgalkii ugu dambeeyay ay kusoo afjarayaan weerarka ragga hubeesan ku galeen maqaayada kutaalla xeebta Liido