Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo warbixin ku soo bandhigtay shirka Arab Forum For Equality (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS  ayaa ka qayb galay Shirka Madasha  labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalkaasi

Wasiiro dowlaha Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada XFS Yusuf Mohamed Adan iyo Xil Mohamed Abdirahman( Nadif), qubaro ka socdey Wasaaradda beeraha  iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb galay madal looga hadlayey  ilaalinta bulshada sinaan la aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey UNESCWA ee Magaalada Beruit.

Wasiir Yusuf oo ka qeb galey Madasha Dood wadaaga  ayaa ka faaloodey qorshaha Wasaaradda kaga degan Arimaha Buulshada ayaa  ugu horeyn uga mahadeliyey Dowladda Lubnaan  iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beyruut  casuumaadda ay u fidiyeen waxaana uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto Wadamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo Dowlad dhiska Soomaaliyeed.

Wasiiro Dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartey wazaarada dhanka arrimaha bulshada iyo faaidida uu uu leeyahay diwaanka bulshada nugul (Unified Social Registry) ugu dambeen wuxuu halkaasi ka sheegay sida ay Dowaldda Soomaaliya ugu go,an tahay Siyaasada ilaalinta Bulshada, Xaqiijinta amniga Dalka, iyo Dagaalka Khawaarijta lagula jiro oo dhamaadka Sanadkaan qorshaha yahay sidii lagu so afjari lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey sharci khuseeya Ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Shiikh oo shaacinaya dal saxiixay heshiis lagu difaacayo badda Somalia

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo ka digay Aargudasho Al Shabaab sameeyaan

Cabdi Cade